|
Beledweyne,(insudesomalia.org)- Duqa Magaalada Baladwayne oo ah ninka kaliya ee ka haray Maamulka Gobolka Hiraan ayaa maanta sheegay in la samayn doono Ciidamo Madani ah oo badala Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) duqa Magaalada Baladwayne ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Magaalada Baladwayne waxaa uu ku sheegay in ciidamo madani ah loo samayn doono Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiraan maalmaha soo socda, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka shaqayn doonaan amaanka Magaaladaasi, islamarkaana ay badali doonaan Ciidamada faraha badan ee Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Duqa Magaalada Baladwayne waxaa uu sheegay in Ciidamadaan laga soo xuli doono beelaha dega Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu sheegay in isaga iyo odayaasha Gobolka ay isku afgarteen, islamarkaana ay Ciidamadaasi ay si gaar ah ula socon doonaan.
Aadan Garaaso waxaa uu carbka ku dhiftay in ay ahaatan qorshaynayaan wadahadalo ay la yeeshaan xoogaga ka soo horjeeda siyaasada Dowladda KMG ah ee Soomaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, si xal looga gaaro dhibaatada faraha badan ee ka taagan gudaha Gobolka Hiiraan.
Mar wax laga waydiyay sida ay ciidamada Ethiopianka uga bixi karaan gudaha magaalada oo ay ka samaysteen dhufayso fara badan ayaa waxaa uu sheegay in ay arintaasi kala tashadeen saraakisha ciidamada Ethiopianka islamarkaana ay isla meeldhigeen sidii ciidamo madani ah loogu samayn lahaa magaalada Baladwayne.
Dadka ku dhaqan magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa shakki wayn ka qaba suurtagalnimada arimaha uu ka dhawaajiyay duqa Magaalada Baladwayne Aadan Garaaso ee ah ka bixitaanka ciidamada Itoobiya gudaha Magaalada Baladwayne iyo sida loogu samayn karo ciidamo madani ah magaalada Baladwayne iyado lawada ogsoonyahay bur burkii ku yimid Ciidamadii madaniga ahaa ee laga dhisay gudaha Magaalada Baladwayne kadib markii Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
|